Covid-19 Somali

AICS waxay la shaqaynaysaa Waaxda Caafimaadka ee MN si kor loogu qaado awooda baaritaanka Covid-19 iyo caawinta bulshooyinka Soomaalida iyo kuwa ka soo jeeda Bariga Africa. Way adag tahay in qoysasku ay helaan xogo sax ah, oo ay ku aqoonsan karaan calaamadaha Covid-19, ama ay ku heli karaan baaritaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xanuunsadaan ama ay la kulmaan qof laga helay fayraska. Mareegtaan waxaad ka heli kartaa xogo ku saabsan calaamadaha, feejignaanta aad naftaada iyo tan qoyskaagaba uga ilaalin karto in xanuunku ku dhaco, yaa la baarayaa, maxaad sameyneysaa hadii fayrasku kugu dhaco iyo gar-gaarada ay heli karaan qoysaska ay dadkoodu xunuunsan yihiin.

Wacyi Galin Covid-19

Hel caawimaad, macluumaad iyo si loogaga caawiyo joojinta faafitaanka covid-19. Wadajir, waan ka adkaan karnaa ‘Covid-19’.

Baaritaanka Covid-19

Waa muhiim inaan iska baarno si loo yareeyo faafitaanka cudurka ‘Covid-19’. Dhagsii si aad u hesho macluumaad oo ku saabsan goobaha baaritaanka.

Tallaalka Covid-19

AICS waxay la shageenaysaa gobolka Minneasota waxaa ka go’an inay si siman u qaybiso tallal ammaan ah, oo ay ansaxisay FDA.

COVID-19 English

Has your family been affected by COVID-19? AICS Professionals Are Available For Help. Get all the information and resource you need here.

NA SOO WAC: (612) 871-948

Sidee AICS ii caawin kartaa aniga ama qoyskega haddii qof uu bukoodo?

AICS waxay leedahay Khabiirro Covid-19 ah oo kaaga jawaabi doona su’aalahaaga, kuu gudbin doona kheyraadkda ka dhex jira hay’adda iyo ilaha kale ee bulshada, waxayna kaa caawin doontaaa inaad dhex mushaaxodo ilahaas si loo hubiyo in lagaa caawiyo

Marka Hore, aan eegno su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan Covid-19.

Waxaa kula soo xiriiraya qof ka tirsan hay’ada caafimaadka bulshada, Shaqaale caafimaad oo
tababaran ayaa wacaya dadka natiijadooda Covid-19 ay noqotay Positive si ay wax uga waydiiyaan
astaamaha, sida uu xanuunku ku soo gaaray iyo cida ay umaleynayaan in ay ku daarteen. Sidoo kale
waxay kuu sheegayaan xog ku saabsan sidii aad isku ilaalin lahayd, qoyskaaga iyo bulshadana uga
badbaadin laheed.

Tixraaca xiriirka waxa uu yareeyaa in uu faafo Covid-19. Tixraaca waxaa laga wadaa in la raadiyo
lalana hadlo dadka uu ku dhacay Covid-19, ka dibna la raadiyo lalana hadlo dhamaan dadkii ay
gaarsiiyeen xanuunka, hadii dhamaan dadkaas ay guriga joogaan oo ay dadka ka dheeraadaan ma faafi
karaan xanuunka. waa u muhiim dhamaantood in ay joogaan guryaha, sababtoo ah qaar ka mid ah
dadka qaada Covid-19 ma dareemaan xanuun marnaba, iyaga oo an ogayn ayay kuwa kale xanuun
qabadsiin karaan.

Dhaqaatiir, Kalkaaliyayaal iyo shaybaaro ayaa ayaa usoo gudbiya waaxda caafimaadka magacyada
dadka laga helay Covid-19, isla sida ay u soo gudbiyaan xanuunada kale ee faafa, sidoo kale waxa ay
natiijada baaritaanka siiyaan qofka positive ka noqday, una sheegaan waxa xiga ee uu samayn lahaa.

Maya, shaqaalaha caafimaadka bulshadu kuma waydiinayaan safaradii aad u baxday, kaliya
shaqaalaha caafimaadka bulshadu waxay daneynayaan ka hor tagista faafitaanka Covid-19.

haa, waxaad xaq u leedahay in aad diido in aad ka jawaabto qaar amaa dhamaan su’aalaha. ka
jawaabista su’aalaha waxa ay caawineysaa shaqaalaha caafimadka bulshada si ay u wargaliyaan kuwa
u nugul xanuunka, sidaa darteed waxay ka caawin karaan ka hortaga in ay xanuunka ku faafiyaan dadka
kale.

Haa, waad diidi kartaa in aad bixiso xog ku saabsan qoyskaaga ama lamaanahaaga. ka jawaabista
su’aalaha waxay caawineysaa shaqaalaha caafimaadka bulshada si ay u wargaliyaan kuwa u nugul
xanuunka, sidaa darteed waxay ka caawin karaan ka hortaga in ay xanuunka ku faafiyaan dadka kale.

Shaqaalaha caafimaadka bulshadu waxa ay rabaan in ay ogaadaan dadkii aad la xiriirtay si ay uga
hortagaan faafitaanka Covid-19.

Xogta aad nala wadaagto waxaa lagu keydin doona meel u gaar ah, qofina awood u malahan in uu
ogaado.

Qeybta badbaadada dadweynaha (Public Safety Department) ayaa ogaan karta cinwaanka gurigaaga
inta aad go’doominta ku jirto, laakiin ma ogaan karaan macluumaadka kale sida magacaaga. Hadii aad dooneyso inaan la ogaan cinwaanka gurigaaga waxaad diidi kartaa inaad la wadaagto ama aad
cadeyso.

Hey’addani ma awoodo inay ogaato macluumaadkaga sida magaca, laakiin waxaa ay ogaan karaan
cinwaankaaga iyaga oo la xiriiraya qeybta numberka degdegga ah 911. Hadii aad rabto inaan la ogaan
xogta cinwaankaga hala wadaagin 911.

Shaqaaluhu mala wadaagayaan xogtaada shaqsiiyahaaga in aad tahay shaqaale caafimaad mooye,
ama aad ka shaqeyso meel kale laakiin adigu aad fasaxdo in lala wadaago macluumaadkaga. Tana
waxaa loo sameeynayaa oo keliya in lagu ilaaliyo bukaanka.

Maya makaa eryi karo shaqada hadii lagaa helo caabuqa. Shaqaalaha caafimaadka ayaa warqad u
diraya si aad isu go’doomiso.

Waxaad ka ogaan kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan caabuqa qeybta caafimaadka
qadkooda caawinta ee ah
651-297-1304 or 1-800-657-3504 waxaa sidoo kale booqan kartaa mareegta interneetka

Marka aad afdabool xirato waxay ka ilaalineysaa dadka kugu hareeraysan in ay xanuunka qaadaan, marka ay afdaboolka xirtaan dadka kugu hareeraysana waxa ay kaa ilaalineysaa in ay xanuunka kugu daartaan. Hadaba, xirashada maaskaro waa hal dariiqo oo aad ku muujin karto inaad danaynayso bulshadaada oo aad rabto in bulshada la ilaaliyo. suuragal ma ahan in safmarku dhamaado hadii aysan bulshadu xiran Afdabool marka ay banaanka joogaan, gaar ahaan marka ay joogaan baqaarada, maqaaxiyaha, moolasha, kofeeyada, masaajidda, gaadiidka dadweynaha iyo wixii la mid ah.