Tallaalada COVID-19

Tallaalada COVID-19

Gobolka Minneasota waxaa ka go’an siman in loo qaybiyo tallal amin ah, oo ay ansaxisay FDA si looga hortago Covid-19. Qorshayntu way bilaabantay, isla markaana qaadaashadii ugu horaysay waxaa durbu lagu maamulayaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo kuwa ku nool xarumaha daryeelka muddadadheer.

  • Minnesota waxay bilaabaysaa barnaamij tijaabo ah oo ah tallaalka bulshada ee tallaalka ‘COVID-19’, kaas oo lala kaashanayo caafimaadka bulshada ee degmada iyo degmooyinka, si loogu meeleeyo sagaal goobood oo tijaabo ah gobolka oo dhan. Meelahan tijaabada ah waxay marka hore u adeegi doonaan dadka waaweyn ee jira 65 sano ama ka weyn iyo barayaal (pre-kindergarten illaa fasalka 12), shaqaalaha dugsiga, iyo shaqaalaha daryeelka carruurta. Hoos ka aqri waxbadan oo ku saabsan goobaha tijaabada.
  • Shaqaalaha waxbarashada, dugsiga, iyo daryeelka carruurta waxay ka heli doonaan macluumaad ku saabsan isdiiwaangelinta ballanta cidda ay u shaqeeyaan.
  • In kasta oo Minnesota ay ballaarinayso kuwa u qalma tallaalka, waxaan sii wadeynaa u adeegidda shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo dadka muddada dheer deggan daryeelka iyo shaqaalaha Wajiga 1a. Dadkani wali way qorsheyn karaan inay ku helaan talaalka goobta shaqadooda, rugta daryeelka, ama caafimaadka guud ee deegaanka. Minnesota waxay ku jirtaa xawaare ay ku bixinayso ugu yaraan qiyaasta tallaalka dhammaan kooxahaan dhammaadka Janaayo.
  • Haddii aad ku nooshahay Minneasota oo aad ubaahantahay inaad sameysato ballan tallaalka Covid-19. Halkan dhag ka sii Find My Vaccine